Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul Goboleedka Galmudug aaya ku warramaya in Caawa ay magaaladaasi ay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii labo ruux oo shacab ah ay geeriyoodeen Godka Suuliga (Boosaneer) ay qodayeen.
Dhacdada ayaa ka dhacday Xaafadda Waxara cadde ee Magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay in laba qof ee qodayay Boosaneerka  uu mid ka mid ahi ku Biirooday Godka, waxaana kan kale uu isku dayay in uu bad-baadiyo, balse labadoodii ay ku geeriyooday halkaas sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka oo arrintaani ay naxdin ku abuurtay.
Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta ay dhacdadu ka dhacaday Gaaray Ciidanka booliska Galmudug.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco