Wararka aan ka heleyno Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ka qarxay dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland gaar ahaan kuwo taageersan Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin gudaha Balad-xaawo, sidaasina uu dagaalka ku qarxay.
Dad ku sugan Balad-xaawo ayaa soo sheegaya inay maqlayaan jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, isla markaana xaalada aad u kacsan tahay.
Ciidamada dowladda ayaa waxaa la tilmaamay in saacadihii laso dhaafay dhaq-dhaqaayo Ciidanka ay ka wadeen gudaha Magaalada, iyagoona halkaas Goordhow uu dagaal xoogan uu ka qarxay.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoona ay xusid mudan tahay in labada dhinac mudooyinkii dambe ay u dhaxeysay xiisad dagaal.