Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexeeyaa Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan Ciidanka Nabadsugida iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad ee hal hore halkaas la geeyay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayaan labada dhinac, isla markaana dagaalka uu socdo muddo daqiiqado ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan la cadeyn karin Khasaaaraha, maadaama arasaas Culus la isdhaafsanayo.
Weli lama oga sababta keentay dagaalka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana rasaasta ka socotaa aaga Xerada nabadsugida ilaa Xarunta Madaxtooyada Galmudug.