War soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in uu dagaal Goordhow ka qarxay deegaanka Ceelka Geeloow ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Milateriga soomaaliya ku leeyihiin Ceelka Gooloow, oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo tuulada Qalimow,waxana lagu soo waramayaa in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab.
Weerarka ay Al-Shabaab fariisinkaan ku qaadeen oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada dowladda ka soo gaaray,welina uu dagaalka socdo.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Barta Koontorool ee Ciidamada dowladda ee Ceelka Geeloow ay Al-Shabaab la wareegeen.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com