Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay Saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Wadada loo galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey  oo u dhow tuulada Isgoys ee duleedka degmada Balcad.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga Cabdi Bilaha ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Jowhar lagu dhuftay Qoraga loo yaqaano baasukaha isla markaana haatan uu gubanayo.
Weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lama oga waxaana haatan ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo Gurmad halkaasi ku tegay iyo Al-Shabaab oo Wadada u galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey  oo u dhow tuulada Isgoys.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalkaas ka dhashay,waxana hadda Gudaha degmada Balcad laga maqlayaa jugta Culus ee dagaalka la isku adeegsanayo.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com