Wararka naga soo gaaraya degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha degmadaas uu ka socdo dagaal aad u culus.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab goordhow weerar ku qaadeen,waxana hadda wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in dagaalka uu ka socdo agagaarka Warshadii hore ee Dharka oo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.
Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa wax ay sheegayaan in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab uu u dhaxeeyo.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale dhinaca Tuulada gololeey uu isna dagaal kale ka socdo in kastoo weli wax war ah aan laga helin.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com