Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Maamulada puntland iyo Soomaaliland.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xalay Saqdii dhexe ay duleedka deegaanka Tukaraq gaareen ciidamo uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey kuwaas oo doonayay in ay Gudaha u galaan deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliland.
Dadka deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka ay labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo inta badan laga maqlayo deegaanka tukaraq iyo tuulooyinka hoostaga.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagalkaas,waxana la maqlayaa jugta hubka ay isku ridayaan labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com