Ciidamada Nabad-sugida Soomaaliya ayaa Maanta Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa ay ku qabteen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in Gaarigan lagu qabtay Agagaarka Haanta-dheer ee degmada Deyniile,kdib howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxay Saraakiishu sheegeen in la doonayay in shacabka Muqdisho lagu dhibaateeyo ayna saarnaayeen qaraxyada nooca Gawaarida lagu xiro balse ay ka hor tageen.
Sidoo kale Saraakiishu masheegin cid ay la qabteen Gaariga qaraxyada siday,balse waxaa jira howlgal ay iminka ka wadaan Agagaarka Haanta-dheer ee degmada Deyniile,halkaas oo ah goobti Gaariga laga qabtay.