War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in afaafka hore ee Maqaayada Liido Sea Food lagu arkay gaari looga shakiyay in ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.
Dadkii ku jiray Maqaayada ee ku qaxweynayay ayaa kala cararay kadib markii ay arkeen gaarigaas oo ilaa iyo hada aan la ogeyn waxa ku jira balse looga shakiyay waxyaabaha qarxa in ay ka buuxaan.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa Goobta gaaray kuwaas oo isku Gadaamay Goobta uu gaariga yaallo iyaga oo dadka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan Gaarigaas.
21 Bishii  January Sanadkii 2016  ayaa Maqaayadaas waxaa lagu qaaday weerar qarax ku bilaawday kaas oo ay Masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com