Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Kaluumeysato Ajnabi ah ku waas oo Xeebta Jaziirada Kudhaa uga kaluumeysanayay Sisharcidaro ah.
Kaluumeysatadaan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 10,waxana lagu soo waramayaa in 8 ka mid ah ay u dhasheen dalka Bakistaan ku waas oo hada ku jira Gacanta Ciidamada Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in dadkaan ay hada Gacanta ku hayaan islamarkaana ay ahaayeen kuwo Sisharcidaro ah uga kaluumeysanayay Xeebta Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada hoose.
Weli lama Cadeen labada kale dalka ay u dhasheen balse Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in haatan uu baaritaan ku socdo dibna ay ka soo sheegi doonaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com