War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Seybiyaano ay isku-rasaaseeyeen Gaari yar oo raaxada ah iyo gaari kale ay wateen Ciidamada  Dowladda Soomaaliya.
Gaariga yar ayaa markii hore ciidanka ay ka shakisanaayeen ayaa la sheegay in laga eryaday agagaarka Isgoyska Banaadir, kadibna ciidamada ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Daarta Saybiyaano.
Khasaarao dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay rasaasta labada dhinac,waxana saraakiil ka tirsan laamaha amniga ay sheegen in laba ka mid ah raggii hubeysnaa ee gaariga watay la toogtay.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta,kuwas oo xiray Wadada soo gasha,iyaga oo u diidaya dadka iyo gaadiidka.
Laamaha amniga Soomaaliya weli macadeyn waxa ay ahaayeen raga gaariga watay ee la toogtay,iyada oo aan la geli Karin goobta is-rasaaseynta ay ka dhacday ee agagaarka Sarta seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.