Maqribnimadii Caawa ayaa mid ka mid ah Darawalada  Mooto Bajaaj waxa uu la baxsaday Gabar 5 jir ah xili ay ku sugnaayeen isgoyska Dabka Wadada Maka lmukaraba ee Magaalada muqdisho.
Dhacdaan ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya,waxa ayna sheegeen in falkaan uu yimid kadib markii Gabadha oo uu la socday Aabaheed markii uu Bajaajka ka degay si uu lacagta ugu tuuro Darawalka sidaasi uu Gabadhii uu la cararay Bajaajlihii.
Intaasi kadib Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen Darawalka Bajaajlaha ah ee gabadhaasi la baxsaday kadib markii uu laamaha amniga ku wargeliyay Aabaha dhalay Gabadhaas.
Saraakiishu waxaa kaloo ay sheegeen in Ciidamada Amnigu ay u suurtagashay in ay Gacanta ku dhigaan darawalkii Mooto Bajaajka isla markaana laamaha amniga ay iminka baaritaano ku hayaan.
Goordhow la socda Wareysi ku saabsan soo badbaadinta Gabadha uu la baxsaday Darawalka Mooto Bajaajka.