Waxa Hada ka bilaawday Fagaaraha Daljirka Dahsoon Ee Magalada Muqdisho Bananbax Lagu Taageerayo Go’aanka Maxakamada Cadaalada Dunida Ee Muranka Bada  Soomaaliya Iyo Kenya  oo ay Maxakamdu  sheegtay inay xukmin karaan Muranka Xuduud-baddeedka ee Somalia iyo Kenya.
Waxa Taalada Dajirka Dahsoon ku sugan Shacab Fara Badan oo isaga Kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaana ay Wataan Boorar ay ku Xardhanyihin Ereyo Ka Dhan ah Damaca Dowalada Kenya Ee Bada.
Qaar kamid ah Fanaaninta Muqdisho ay Hada heeso gobaaba ah ka Qaadaya Fagaarha Daljirka Kuwaasoo Shacbka Lawadaagaya Dareenka ay Qabaan.
Waxa lagu wadaa in Madaxda Gobolka Banaadir ay Goordhow Tagaan  Madash si ay Halkaasi kula  Hadlaan Shacbka Isugu Yimid Iyaado Lafilayo In Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud uu Tago Madashaas Si uu Dibad Baxa Ugula Qeyb Galo Shacabka Muqdisho.