Mid ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysata Mootada loo yaqaanno Bajaajta ayaa goordhweyd lagu dilay Magaalada Mudisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Maraxuumka lagu  dilay aagga Muqdisho Mall ee degmada Xamar weyne, waxaana lasoo sheegayaa in dilka uu ka dambeeyay mid ka mid ah ilaalada Muqdisho Mall.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in wali Maydkii Bajaajlaha uu goobta yaa yaallo, waxaana la shaacin sababta ku kalliftay Askariga ka tirsan Ilaalada Muqdisho Mall  in uu dil u gaysto Marxuumka Bajaaajlaha ahaa.
Dhallinyara ku shaqaysata Mootada Bajaajta loo yaqaanno ayaa dhibaato xooggan kala kulma Ciidanka dolwadda iyo ilalada Goobaha gaarka loo leeyay, sida Hoteelada, waxaana tiro dhowr jeer ah dil bareer ah lagula ka kacay dhallinyaro ku shaqaysanaysay Mootada Seddex lugooleyda ah ee loo yaqaanno Bajaajta.