Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarka ayaa ku bilaawday sida la sheegay qaraxyo waxaana intaas ka dib bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda ee sida agarka ah u tababaran ee loo yaqaano Bancroft iyo kuwa  kuwa Al-Shabaab.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in mudo kadib u dagaalka istaagay balse markale ay Al-Shabaab soo rogaal celiyeen haatana uu dagaalka weli ka socdo deegaanka Bariire.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaana Deegaanka Bariire laga maqlayaa dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa  Al-Shabaab.
Faah faahinta kala socda radiodalsan.com