Wararka aan  ka heleyno deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii hore ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab fariisin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Deegaanka Kalabeyr oo ah duleedka Magaalada Baladweyne ayaa dadka deegaanka qaarkood waxa ay sheegayaan in ay arkeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo gaaf wareegaya Xaafadaha deegaankaas kadib markii Ciidamo aan badneen oo ku sugnaa degaankaas ay isaga baxeen.
Sidoo kale wararku wax ay intaasi ku darayaan in Magaalada Baladweyne ay iminka ka baxeen ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya si ay deegaanka Kala-beyr uga saaraan Al-Shabaab Ciidamadooda oo saakay aroortii la wareegay.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow la filayaa in ay ka hadlaan dagaalkaas saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan