Wararkaa an iminka ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Xabsiga dhigeen tiro Odayaal ah oo ka mid ah dadka deegaanka.
Odayaasha ay Al-Shabaab xireen ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 15 Oday dhaqameed kuw aas oo ay ku eedeeyeen in ay kas oo horjeesteen ammaro ay horay u soo saareen Al-Shabaab.
Odayaashaan ayaa hada gacanta ugu jira Shabaab mana la oga sida ay ka yeeli doonaan,waxana tani walaac ka muujiyay Shacabka ku nool degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com