Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah degmadaas ay la wareegeen Al-Shabaab.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ayaa la sheegay n ay gudaha u galeen deegaanka Dhagaxyaale oo Galbeed ka jira degmada Guriceel, kaas oo ay ku sugnayeen Maleeshiyad deegaanka ah.
Dhan kale Wariyaasha ku sugan Magaalada Guriceel ayaa waxa ay soo sheegayaan in xaalad kascsaan ah iyo Cabsi ay ka jirto Guriceel taas oo ku aadan in ay Shabaab soo weeraraan degmada Guriceel.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo Gacanta ku haya degmada Guriceel oo aan la xiriirnay ayaanan ka jawaabin taleefoonadeena.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com