Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo Ajandahoodu ahaa in ay ka doodaan dhiibistii dowladda ee arrintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.
Kulnka markii uu furmay ayaa inta aan la gelin dooda arrinta Qalbi dhagax waxaa buuq uu ka dhashay in arrinta ku aadan Kiiska Qalbi Dhagax,iyada oo xildhibaanada qaar ay dalbanayeen in Ajandahaas meesha laga saaro kuwana ay ku doodayeen in laga hadlo.
Mudo kadib Guddoonka Aqalka Sare oo yeeshay kulan gaar ah ayaa waxay Go’aamiyeen in jandahaan Cod loo qaado.
Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ahaa 36  Xubnood  21 ayaa diiday in Ajandahaan ku aadan in laga hadlo arrinta Qalbi Dhagax 4 weey ka aamustay halka 11 ay ogolaadeen in laga doodo kiiska Qalbi dhagax.
Ugu dambeyn Guddoonka Aqalka Sare ayaa ku dahwaqay in laga gudbay kiska ku aadan arrinta Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax sidaasna uu shirka ku xiran yahay.