Deeqo Diraac oo horay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya 20/Apriil 2014,kii ay  ku xukunty 15-sano oo xabsi ciidan ah ayaa ku dhex geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar,ee Magaalada Muqdisho.
Deeqo Diraac iyo 4 rag ah  socday ayaa horay Maxkaamadu ugu riday xukun,iyadoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil 5-tii bishii Apriil 2014,kii  Magaalada Muqdisho loogu geystay Nafisa Cismaan Salaad oo markaas uu dhameysay Mid kamid ah Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.
Taliska Xabsiga dhexe ee Xamar weli wax faah faahin dheeraad ah kama bixin geerida Deeqa,iyo waxa ay ka yeelayaan.