Ugu yaraan 22-tan ruux ayaa ku dhimatay galbeedka Hindiya, kadib markii darbi uu ku soo dumay sida ay xaqiijiyeen booliska dalkaasi.
Dadkaan dhintay ayaana guryo maciin biday, kadib markii dabeylo roob wata ay halkaasi ka dhaceen.
Wakaalada AFB oo soo xigatay afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in masiibadan ay tahay mid xanuun leh, dadka dhintayna ayuu ku daray inay ahaayeen marti aroos lagu wada casuumay.
Darbiga dumay ayaana ahaa mid duqoobay, kaa soo la dhisay mudo aad u dheer, wuxuuna ku yaalay dagmada Bhratphur oo hoos tagta rajasthan.
Dhanka kale dhaawacyada ayaan loo qaaday isbitaalada dhamaana, waxaa ka muuqday jajab iyo dhibaato baaxad leh sida uu isna sheegay Dr kumar singh.
Dalka Hindiya ayaan ka mid ah wadamada dhibaatooyinka la yaabka leh ay ka dhacaan, iyadoona wali xal loo helin dhacdooyinka soo noq noqda ee dalkaasi