Waxaa xilligaan cabasho ay ka soo yereysaa Darawalada gaadiidka ka Sahqeeya dekada Magalada Berbera ee Soomaaliland,iyaga oo sheegay in ay dhibaato ku qabaan in ay dekadaas Alaab ka soo raraan.
Dekada Berbera ayaa waxaa hadda maamulaya oo gacanta ku haya shirkadda DP World ee laga leeyahay Waddanka isutaga Imaaraadka Carabta,waxan Darawalada ay sheegeen in tan iyo markii Shirkadaas ay la wareegtay ay dhibaatooyin qabaan.
Qaar ka mid ah Darawalada ayaa waxa ay sheegeen in mudo todobaad ah ay dekadda ku xayiran yihiin,iyaga oo feel ugu jira sidii badeecadaha kala duwan ee dekada ka soo dega u soo qaadi lahaayeen.
Waxa ay sheegeen in feelka ay ku jiraan uu yahay mid ku dheeraaday oo intaan ka badan aysan xilligaan u dulqaadan karin,isla markaana ay ku eedeeyeen in ay mas’uul ka yihiin Shaqaalaha u Sahqeeya Shirkadda DP World.
Dhinaca kale Maamulka Dekadda Berbera ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray cabashada ka soo yeertay darawaliinta iyo ganacsatada wax kala soo dega dekaddaasi.
Maareeyaha Dekedaa Berbera ee xilligan Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa difaacay Sgirkadda DP World,isla markaana uu sheegay in ay korortay Shaqada shirkadda tan iyo markii ay la wareegtay shirkadda DP World.