Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ee ahaa xili uu ku sugnaa halkaas.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dilka kahor uu muran kooban soo kala dhexgalay Darawalka iyo Askariga dowladda, hayeeshee markii dambe uu toogtay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble, kaasi oo kamid dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana halkaas durbo ka cararay Askarigii falkaas ka dambeeyay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaarkood ka dhaca dilalka loo geysto Darawada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo inta badan ay u geystaan Askarta ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya.