Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa qeybo kamid ah Degmada Hodan ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.
Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaagrka Xaruntii Ex-kuliyadii Jaalle Siyaad ee ku taalla Degmada Hadan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa dilkaas Darawalka u geystay Askari ka tirsan oo ku sugnaa halkaas.
Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geysay Darawalka inta uusan dhicin kahor ay wada murmeen Marxuumka iyo Askariga, hayeeshee markii dambe uu rasaas uga dhuftay qeybaha ee Jirka, isagoona goobta ku geeriyooday.
Sidoo kale Askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta isaga cararay, waxaana xiliga uu falka dhacayay halkaas ka Agdhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar dilal loogu geystaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, iyadoona inta badan dilalkaas ay geystaan Askarta ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.