War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu gudaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir uu ku dilay Darawal waday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomey.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyksa Seyniyaano Degmada Hodan,isla markaana waxaa loo geystay Nin Darawalka ka ahaa gaariga Hoomey-da xili uu halkaasi ku sugnaa.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay sida uu falkan u dhacay,waxaana la sheegay dilka uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhexgalay Askariga iyo Darawalka,hayeeshee markii la dambe la toogtay Darawalka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Boolisa iyo dad shacab ah ayaa goobta tegay,isla markaana waxaa halkaasi ka qaadeen Meydka Marxuumka la dilay.
Sidoo kale askarigii ka dambeeyay falkaas ayaa la tilmaamay in goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Askarta Ciidanka dowladda Booliska Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa ay gudaha Magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geystaan Darawalada Mooto Bajaajta iyo kuwa ka shaqeysta gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee BL-ka.