Gobolka Banaadir, waa gobolka ugu yar gobolada Soomaaliya. Banaadir waxaa ku fidsan oo deddo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Muqdisho waa magaalada ugu muhiimsan Soomaaliya. Waxaa fiinta saree magaalada ka cimaamadan taalooyinkii halyeeyada gobonimada Soomaaliya u soo halgamay. Horraantii 1885 kolkuu boobka ugu soo dhaqaaqeen gumaystayaashii qaaradda Afrika, waxaa ay ka samaysan jireen meelaha ay qabsadaan caasamad siday u dooran jireen caasimaddaas kali waxay waafajin jireen habsami-u-socodka muraadka guumaysigooda. Muqdishose sidaa si ka duwan bay Soomaali caasimad ugu noqotay. Sababaha ugu waawayn ee muqdisho ku sharfay inay caasimad noqoto waa taariikhda guunka ah ee ay magaaladu lahayd, koboc xoog ah oo tirada dadkeeda ku socday, iyo sidoo kale in ay u ahayd caasimad halgankii xurriyadda.
Marka laga soo tago in dib loo eego taariikhda, Gobolka Banaadir wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Enke Banaadir marbay aad u balarnayd masaaxad ahaan. Yeelkeede, hadda ka hor lama aanay kulmin muqdisho caqabad ah mid siyaasad iyo mid maqaam. Isbaddalka ugu muhiimsan ee caasimadda dalka ku dhaliyay isbaddalo siyaasadeed waxaa ka mid ahaa imaanshiyaha nidaamka federaalka.
Isla nidaamkaas federaalka ah, Machadka daraasaadka siyaasadda guud ka faaloodo ee taabacsan Jaamacadda Gorge Washington daraasaddiisa 2007 wuxuu tilmaamayaa waddamada federaalka in aalaaba caqabad ka haysato isu miisamidda dumiqaraadiyadda waddanka guud ka jirto iyo tan caasimadda maadaama dowladaha dhexe awood gaar ah ku soo rogaan caasimadda.
Daraasaddan Caqabadaha Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, waxay soo ogaatay ka dib markay soo waraysatay khubaro iyo hoggaamiyeyaal bulsho dhowr amuurood oo sal u ah caqabadda matalaadda siyaasadeed ee ku hor gudban caasimadda in ay hesho matalaad siyaasadeed si loo garto xalka ku haboon. Si kooban waxaan u sharxayaa miidda daraasaddu soo uruurisay:
Dowladda Dhaxe
Daraasadda waxaa si wayn la isugu raacay in dowladda dhexe hab maamul gaar ah ku hayso caasimadda kaas oo ka duwan siday maamulada kalee waddanka saamayn dhan maamul ugu leedahay.
Is aamminaad la’aan ka dhex jirto dadka
“Ha is qabanina cid hadhow la idin hashiisiin doono†waxaa sidaa ku cabiray is aamminaad la’aanta uu sababy dagaalkii sokeeye ee ka qarxay waddanka dabayaaqadii siddeetameeyadii. Waxaa lagu lafaguray daraasadda in is aamminaad la’aantu tahay dabarka ugu adage e hayo in la helo ka dhan ah caqabadaha matalaadda siyaasiga ah ee gobolka Banaadir. Afhayeen mid ka mid ah labada caqal ee golha shacbiga wuxuu is aamminaad la’aanta ku sharaxay naatiijo la taaban karo oon laga gaarin ‘wadaxaajoodyada siyaasadeed’ oo uu tilmamaay in saldhig u tahay dib-u-heshiisiin dhab ah oo hirgasho.
Dhaqaalaha Gobolka Banaadir uu sameeyo
Daraasaddan waxay baartay dhan ahaan saamaynta uu ku leeyahay caasimadda sida loo maqoorado dhaqaalaha caasimadda laga soo uruuriyo waxaana lagu tilmaamay in dhaqaalaha gobolka Banaadir uu yahay isha kali ee sheegagga dowladda dhexe ku socoto garaaseeyo, sidaa daraadeed,maadaama wali nidaamka cashuur iyo dakhliga guud ee dalka aan hab qumman loo derdargelin, waxaa la isku raacay in dowladda dhexe sabab dhaqaalo darteed aanay haatan rabitaan u hayn ka shaqaynta xallinta ammuuraha siyaasadeed ee ka jiro hab-maamulka caasimadda.
Caqalka Sare ee baarlamaanka iyo Bulshada Banaadiriga
Daraasadda waxaa lagu lafaguray Caqalka Sare iyadoo hadiyo goor lala xiriirinayay bulshada Banaadiriga waxaana la xusay sida Bulshada Banaadiriga uga maqanyihiin caqalka sare. Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada Banaadiriga wuxuu ku dooday in doorashadii 2016/2017 aan fursad loo siin in dadka Banaadiriga doortaan dhankooda mataleyaal siyaasadeed oo ku matalo caqalka sare oo ah golle qaran oo muhiim ah wuxuuna tilmaamy in baddelkii dadka Banaadiriga iyagu ku qabsan lahaayeen doorasho Magaalada Muqdisho; ay ku qabsadeen doorasho bulshooyinka Somaliland oo aanay u suuragalin inay  doorashada ku qabsadaan deegaanadooda arrimo siyaasad dartood.
Madaxtooyada Soomaaliya
Madaxtooyada Soomaaliya waa saamilaha siyaasadda ugu weyn ee lala xiriiriyay caqabadda matalaadda siyaasadeed ee aan wali la xallin. Daraasadda waxay kalooy ogtaay diwaanka kaydsan ee Madaxtooyada Soomaaliya in madaxweyne kastaa si xariifnimo leh uga xeeladaysan jiray hoggaaminta xal la tacaalo caqabadda matalaadda siyaasadeed ee gobolka Banaadir.
Qodobka 9-aad ee dastuurka iyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya
Daraasadda waxay si qoto dheer u rogrogtay sida ugu macquulsan ee baarlamaanka Soomaliya ula falgeli karo qodobka sagaalad dastuurka federaalka ku meel gaarka ah [eeg dastuurka], Si waafi ah waxaa daraasadda lagu soo jeediyay in baarlamaanka Soomaaliya uu sal uga dhigo natiijaduu ka soo saari karo qodobka 9-aad- xal loo dhanyahay oo dhamaan bulshada laga qaybgaliyo.
Xalka
Siday daraasadduba muhiimad u siinayso raadinta xal lagula tacaalayo caqabadaha matalaadda gobolka Banaadir, daraasaddu waxay soo heshay in xalka ugu wanaagsan uu yahay is-aamminaad la’aanta ka dhex irto dadka Soomaaliyeed oo la suuliyo. Waxay kaloo daraasaddu soo heshay in xalka ugu wanaagsan yahay in marka la xallinayo caqabadaha matalaadda siyaasadeed ee Banaadir ahmiyad la siiyo- xal loo dhanyahay dadka Soomaaliyeedna iska wada dhex arkayaan.
Falaqayn
Rukumada ugu waaweynaa ee daraasaddu soo ogaatay ayaa qodobadaan kore ah. Marka la eego sida qarannimada waddan iyo caasimaddu aalaaba isu kabana waxaa la gaarsiin karaa jiritaanka dowladnimada- kali waa caasimadda oo nabad kuu ah oonu ka dhicin xaalad ammaan oon haayadaha gobonimada9 garsoorka, Fullinta iyo G. Shacbiga) shaqadoodu qabsan karin. Haddii aan u dhigno dhanka isbarbardigga, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba waxaa ka dhacay 1991 isbaddel hoggaan. Nasiib wanaag Itoobiya lama anay burburin; nasiibdarose Soomaaliya waa ay burburtay. Waxaa sababay jabhaddii Itoobiya ka saartay Addis Ababa caasamadda Itoobiya kaligiitaliskii waxaa u sura gashay in aanay caasimadda fowdo xun ka qarxin; halka jabhaddii Muqdisho ka saartay kaligiitaliskii ay awoodi waysay inay fowdada xakamayso. Daraasad ay samaysay 2016 Jaamacadda Pretoria ee arliga Koonfur Afrika ooy ku eegaysay xiriirka caasimadda iyo ammaanka dalka ka dhaxeeyo waxay ku doodaysaa in ay caasimaddu madal u thay dhaqan-dhaqaaleedka bulshada, wax soosaarka iyo qaybinta adeegga iyo qulqulka dhaqaalaha, iyo astaan qaranimo misana ah haybad (Reva, 2016).
Waxa baasaha lahaa ee Soomaaliya ka dhacay ka dib 1991 ayaa ahaa dagaal sokeeye. Sokeeye dagaalamay. Waxaana buuraha la ekaaday madawga is-aamminaad la’aantu ku dhex dhigtay dadka Soomaaliyeed. Marka fowdadu ka aloosantay caasimaddii, dadkii Soomaaliyeed ee ku dhex sugnaa waxay ka sinnaayeen doloolka khasaraha, sidaasoo, qaar bay u dheerayd inay qaxaan; qaarkalese waxaa u dheerayd inay ka dhex qixi waayaan enke sharta kala dambayn la’aanta. Bare jaamacad ka bixiyo muxaadarooyin Siyaasadda Guud, wuxuu tilmaamayaa in is aamminaad la’aanta bulshada gaarsiisantahay dadkii qaxay marka ay maqlaan matalaadda Muqdisho baa laga hadlayaa; ay u qaadanayaan in dadkii ku haray caasimadda 1991 ay tahya hawl ay wataan. Taasi waa is aamminaad la’aan waana khasaaro uu sababy dagaalkii sokeeye.
Inkastoo qodobka 9-aad ee dastuurku aannu arrin ka dhigayn deehaarka guud ee caasimadnimada Muqdisho cid dood ka qabtana aanay la kulmin daraasadda, waxaa dhan ka muuqanayso xalka in laba dhinac laga eego. Kow, dhanka maqaamka oo ah hab maamulka iyadoo la waafajinayo midkay ku haboontahay Muqdisho toddobada nooc ee caasimadaha adduunka mid noqdaan. Laba, arrinta matalaadda siyaasadeed ee dheeriga ku ah hab maamul l’aanta ka jirto caasimadda dalka misana ah arrin marka la fadhiisyo looga gudbi karo xallinta tan matalaadda siyaasadee. Toddobada nooc waxaa sharaxayo buugga uu tafatiray David Garon (Gardon 2006). Dhanka baarlamaanka waxaa la saadaalin karaa in dhexdiisa iskufahmi kari waayaan ammuuraha Muqdisho sida loo wajahayo. Waayo sida matalaad siyaasadeed lagu qeexo waxaa dhici karto in ay dhexdooda muran kala qabsado murankaas oo dabeecado kala jaad ah siinayso beexaaliga ay leeyihiin qeexitaanada laga wariyo ‘matalaad siyaasadeed’.
Soo jeedin
- Dowladdu waa in ay garowsato taladii Garowe Kow iyo Garowe labo ee lagu go’aamiyay in go’aan ka gaaro arranta maqaamka caasimadda Golaha Shacbiga; ma aanu ahayn sidoo kale mid timlmaamayso hab la isku ogyahya oo kale kaas oo xeerinayo sidii lagu sii maamuli lahaa Caasimadda ka hor go’aanka baarlamaanka soo saari doonaan.
- Dowladdu waa in arrin qaran ka dhigtaa dib-u-heshiissin dhab ah oo la sameeyo. Indheergaradka bulshada iyo muttacallimiintu waa in ay ka shaqeeyaan siday dadka Soomaaliyeed isugu garaabi lahaayeen isuna laab-xaartaan lahaayeen.
- Dowladda dhexe iyadoo kaashanayso dowlad goboleedyada- waa in nidaam guud oo canshuuraha dalka lagu arruurinayo laguna maqooradayo dhaqaalaha dalka si guud loo sameeya taas oo ku caawin karto dowladda dhexe in ay ka fekarto ammuuraha caasimadda.
- Haayadaha Garsoorka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada waa in aanay oggolaan in wax u eg 4.5 dib u soo noolaan maadaama qayb bulshada ka mid ah aanay haatan ka mid ahayn Caqalka Saree qaranka.
- Golaha shacabka ee qodobka 9-aad ee datuurka u igbayo inay go’aamiyaan maqaamka caasimadda, waa in ay go’aan guud ooy soo gaareen aanay ku soo tuurin bulshada balse taa baddalkeeda, waa in ay shacabka kala shaqeeyaan siday go’aanka caasimadda dowr ugu yeelan lahaayeen.
- Xukuumadda Soomaalia waa in ay samaysaa guddi qaran oo firficoon kaas oo dejiyo siyaasad balaaran oo caasiamdda khusayso amuuraheeda siyaasadda iyo middeeda farsamaba.
Maraajic
- Walman et all (2007), Capital cities and their national government: Washington D.C. in comparative perspectivie, George Washington University Press.
- Reva, Denys. (2016), Capital cities relocationand national security: the case of Nageria and Kazakhistan, University of Pretpria Press.
- Gordon, D., L., (2006). Planing Twentieth Century Capital Cities, London. New York Routledge.
Waxaa diyaariyay: Maxamed Ibrahimrashid Khalif
Arday ka bartay Jaamacadda City Kulliyadda Culuumta Siyaasadda.
Buugga Thesis loo yaqaano ku sameeyay Matalaadda Gobolka Banaadir.
Email- [email protected]