Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in 5 qof oo rayid ahaa iyo 3 nin oo ku hubaysnaa Tooreey lagu dilay Deegaanka Pishaan oo ku dhow Degmadda Hotan ee Galbeedka dalkaasi.
Shan ka mid dadkaasi ayaa la sheegay inay geeriyoodeen, kadib, markii Tooreey lala dhacay, waxayna Boliska toogteen 3-dii qof ee dilka geysatay.
Waxaa kaloo Tooreey lagu dhawaacay 10-kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka.
Dhinaca kale, Boliska waxay weerarkaasi kadib xireen 6 qof oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen Weerarka Tooreyda.
©Radio Dalsan