Dagaal ayaa ka qarxay waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Kiev, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Interfax.
“Dagaalka ayaa haatan ka socdaa waddooyinka caasimadda†ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda. Waxay dowladda shacabka ugu baaqday inay raadsadaan goobo gabbaad ah isla markaana aysan u dhawaan daaqadaha guryaha ama inay bannaanka usoo baxaan.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kiev.
Dhinaca kale Qaraxyo dhowr ah ayaa hadda laga maqlay magaalada Kyiv, halkaasoo ay hadda ka socdaan duqeymo xooggan. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in 18,000 oo qoryaha daran dooriga u dhaca loo qaybiyay mutadawiciin doonaya in ay duullaanka Ruushka.
Muuqaalo laga soo duubay duqeymaha maanta ayaa muujinayay gaadiidka gaashaaman oo ku sii siqaya degmooyinka waqooyi ee magaalada. Dalalka Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Vladimir Putin iyo wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.