Goobjoogayaal ayaa u sheegay Telefishinka Dowladda iyo REUTERS ayaa sheegay inay Maleeshiyadda iyo qoysaskooda ka ambabaxeen Fariisinkii ugu xoogganaa o oay ku lahaayeen Xomas.
Labo Bas oo ay ka buuxaan Maleeshiyadda iyo Qoysaskooda ayaa ka tegay Degmadda Al-waer, iyagoo ku sii jeeday Deegaanadda ay Maleeshiyadda ku xooggan yihiin ee Waqooyiga Syria.
Guddoomiyaha Degmadda Xomas, Talaal Barazay waxa uu u sheegay REUTERS in 400 ilaa 500 Dagaalyahan maanta laga daad-gureeyey Xomas, kuwaasi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Qoysaskooda.
Heshiis ay Dowladda Syria iyo Fallaagadda kala saxiixdeen ayaa lagu sheegay in ka badan 12,000 oo qof oo Koox-koox u socda ka bixi doonaan isbuucyadda soo socda. Sida laga soo xigtay Kooxda la-socota Xuquuqda Aadanaha ee Syria.
©Radio Dalsan