Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin buundo yarey e Afgooye, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen jugta rasaas culus oo ay isdhaafsanayeen Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidanka AMISOM ay rideen madaafiic dhowr ah, kadib markii Ciidanka dowladda lasoo weeraray, ilaa iyo hadana lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Degmada Afgooye, waxaana halkaas ka dhacay dagaal dhexmaray Shabaab iyo Ciidanka dowladda, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro.