Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu ka dhacay xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamadii Kenya ee shalay isaga baxay deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho wax ay u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan,isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labda dhinac.
Ciidamada ka tirsan Kenya ee weerar lagu qaaday ayaa shalay markii ay kasoo baxeen deegaanka buursaar soo aaday dhinaca Degmada Ceel-waaq,iyagoona halkaasi ka sameeystay Saldhigyo Militeri.
Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada dowladda eek u sugan Ceel-waaq oo aan la sameeynay xiriiro kala duwan sida aan wax badan uga weeydiino dagaalkaas ayaa ka gaabsaday.
Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.