Dagaal u dhexeeyay u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay deegaano ka tiran Gobolka Baay, waxaana kasoo baxaya faah faahino.
Dagaalkaas ayaa bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaan lagu Mitir oo hoostega degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexnaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo maqlayay dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay.
Maamulka degmada Diinsoor iyo Saraakiisha hoggaaminayay Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, uuna jiro Khasaaro kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Guddoomiyaha Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa KGS ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Shabaab, uuna dhacay dagaal xoogan.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Xaaji ayaa sheegay in nolosha ku qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale gacanta ku dhigeen Meydad dagaalamayaal la dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer dagaalo xoogan waxaa ay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhinacyada ay kala sheegteen guulo.