Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo hubeysan oo u abaabulan hab qabiil iyo Ciidanka ka tirsan kuwa Galmudug.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidanka hubeysan ee abaabulan habka qabiil ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan qeybta Danab ee Galmudug ay ku leeyihiin Gaalkacyo.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in inta badan Xaafadaha Magaalada laga maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayan Ciidanka hubeysan iyo kuwa Galmudug.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Galmudug habeenadii lasoo dhaafay ay Gaalkacyo ku xireen dhowr qof oo shacab ah, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay falal kala duwan.
Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana aad u adeg in xog laga helo aaga uu dagaalkaas uu ka socdo, maadaama labada dhinac ay isdhaafsanayaan rasaasta Culus.