Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaas ayaa sigaar uga socda deegaanka Xananbuure oo dhaca Waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkaas uu salka ku haaya dad shacab ah oo habeen hore lagu rasaaseeyay deegaanka Mareergur, iyadoona weerarka uu geystay Khasaaro kala duwan.
Ilo-wareedyo ayaa soo sheegaya in Maleeshiyaadka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaan dadka deegaanka Xananbuure ay bilaabeen inay sameeyaan barakac, maadaama dagaalku culus yahay.
Weli lama oga Khasaaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya maleeshiyo beeleedka hubeysan, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayan in dad dhaawacmay ay jiraan, kuwaasi oo loo qaaday dhinaca Magaalada Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Habeen hore ayay aheyd markii rag maleeshiyaad ay rasaas farabadan ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maqaaxi oo ku taalla deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoona falkaas uu ka dhashay dagaalka ka socda Xananbuure.