Wararka aan ka heleyno Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan hoostaga Degmadaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo hubeysan.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu Magacaabo hurufidhi oo hoostaga Buuhoodle, waxaana Maleeshiyo beeleedka inta uu dagaalka socday ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo sheegay in dagaalkii ka dhacay hurufidhi uu salka ku haayo arrimo la xiriira shaqaaqooyin horey u dhexmaray labada Maleeshiyo ee dagaalamay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalka, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay, maadaama aysan jirin cid ka Agdhawaatay aagga dagaalka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka hurufidhi ee Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.