Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay halkaas uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay Degamda Laasqoray, wuxuuna dhexmaray Ciidamo ay kala wateen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Degmada Badhan ee Somaliland Maxamuud Xaamud.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen rasaas labada dhinac ay isku dhaafsanayeen gudaha Degamda Laasqoray ee Gobolka Snaag, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay dagalkaas, halka mid kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana kan dhaawaca uu soo gaaray la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla degamda Laasqoray.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degamda Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada haatan ay tahay mid degan oo aan la maqleyn wax rasaas oo dhaceysa.