Inkastoo ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug shalay wada saxiixeen Heshiikii Nabadda ee Gaalkacayo ayaa waxa uu maanta dagaal dhex maray Ciiddankooda ku kala sugan magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo.
Iska horimaadka ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Cagaar-weyne ee kala qeybisa Gaalkacayo.
Weerarka ayaa la sheegay inuu qarxay, xilli la doonayey in la kala qaado Ciiddanka, sida uu dhigayey Afartii Qoddobka ee Heshiiska Nabaadda Gaalkacayo.
Xiriiro aan la sameynay Ilo  ku sugan Gaalkacayo ayaa sheegay inuu dagaalku ilaa iyo haatan socdo, waxayna labada dhinac is-dhaafsanayaan hubka fudud iyo Madaafiicda.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday Madfac ku habsaday gaari marayey qeybta Waqooyi ee Gaalkacayo, iyadoo saddex kalena ku dhaawacmeen.
Duqeyn kale oo lala beegsaday Koonfurta Gaalkacayo ayaa la sheegay inay burbur soo gaarsiiyeen dhowr Hotel.
Dhinaca kale, Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa la sheegay inaysan weli ka hadlin dagaalka maanta ka qarxay Gaalkacayo.
© Radio Dalsan                        Â