Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo Goordhow ka qarxay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar uga socdaa deegaanka Bali Cad oo yaalla inta dhexeeysa Dhabad iyo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, In kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.
Sidoo kale waxaa socda dadaalo lagu joojinayo dagaalka saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Bali Cad oo ku yaalla u dhexeeysa Dhabad iyo Magaalada Cadaado, waxaana weli la maqlayaa rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.