Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Kenya,waxa uuna ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalada Dhoobley iyo deegaanka Taabta.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciiamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa Taabta iyo Dhoobley ay wadada u galeen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Kenya sida ay hadalka u dhigeen.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in dagalkaas uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah isla markana ay Cabsi soo wajahday maadaama halkaasi ama dushooda lagu dagaalamay.
Weli dhankooda Saraakiisha dowladda Kenya  kama hadlin dagaalkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay gubeen mid ka mid ah Gawaaridooda.