Wararka naga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku waramayaan in dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle iyo Al-shabaab uu ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmadaas.
Dagaalkan ayaa markii hore waxaa uu ka yimid,kadib marki rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle ay ku leeyihiin deegaanka Dulfaaleey oo dhaca duleedka degmada Jalalaqsi,isla markaana waxaa intaasi kadib xig dagaal u dhexmaray labada dhinac.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan inuu ka dhashay dagalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac,waxaana haatan xaalada la sheegayaa inay tahay mid degan.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheeteen in dagaalka ay ku dileen 5 askari oo ka tirsan Ciidanka Hirshabeelle ayan la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Dulfaaleey oo dhaca duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan weli kam uusan hadlin dagaalkii ka dhacay deegaanka Dulfaaleey iyo wararka sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen halkaas.