Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Maleeshiyaad hubeysnaa, kaasi oo geystay Khasaaro.
Dagaalkan u dhexeeyay Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Wisil oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii ay isticmaaleen Maleeshiyaadka Maandooriyaha Khamriga.
Dadka ku sugan deegaanka Wisil oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalka Maleeshiyaadka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaalkii deegaanka Wisil, halka qof kalena uu ku dhaawacmay, kaasi oo ka tilmaamay inay lasoo qaaday Xarun Caafimaad.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Gamudug ee ku sugan Gobolka Mudug, isla markaana ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Wisil.