Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu dagal xoogan ku dhexmaray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta.
Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Qowmiyada Cafarta ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Alaale ay ku sugnaayeen Soomaalida,isla markaana waxaa intaas kadib qarxay dagaal la isku hubka noocyadiisa kala duwan.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray labada dhinac,waxaana Soomaalida dagaalka looga dilay 14 qof,halka 7 kalena laga dhaawacay.
Qof kamid ah dadk deegaanka oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in Qowmiyada Cafarta oo garab ka helaya Jabhad dhinaca Eritre ay weerarka ku qaadeen Soomaalida,iyadoona qabsaday inta badan deegaanka Alaale ee Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Wararka ugu dambeeyay ee haatan laga helayo deegaanka ay ku dagaalameen Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ayaa waxaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee laga cabsi qabo in markale uu dagaal dhexmaro labada dhinac.