Wararka ka imaanaya degaanka Huldooyaale ee Koonfuurta Mudug ayaa ku warramaya in dagaal Khasaare badan dhaliyay uu dib uga qarxay degaankaas, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan dagaal kaasi la sheegay in uu yahay mid xooggan.
Wararku waxaa ay sheegayaan in hadda uu dagaaklku socdo, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo walaalo ah.
Goob joogayaal ayaa kusoo warramaya in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, waxaana jugta rasaasta laga maqlayaa edegaannada ka agdhaow degaanka lagu dagaalamayo.
Dagaalka u dhexeeya labada Malleyshiyo beelood ayaa dhawaanahaan socday, waxaana uu hadda u muuqdaa in uu sii xoogaystay, iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen baaqyo ku aaddan sidii dagaalka loo baajin lahaa.
Wali ma jirto cid si gaar ah u kala dhex gashay labada malleyshiyo beeleed ee dagaalamaya.