Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegaayan in duleedka degmada Baardheere uu ka dhacay dagaal qaatay mudo Afar Saacadooda ka badan kaas oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa sigaar ah wax uu uga dhacay deegaaanka Gilgisha oo u dhaxeeya  deegaanka Dirileey iyo faxfaxdhuun,waxana lagu soo waramayaa in dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac ah.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku soo wajahnaa deegaanka faxfaxdhuun ay wadada u galeen dgaalyahanada Al-Shabaab halkaasina uu ka dhacay dagaal aad u culus oo aan waxba leysku reeban sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen in ka badan 10 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab halka uu jiro dhaawacyo kale oo ay gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.
Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas uu dhaawac fudud kas oo agaray gudoomiyihii degaanka faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo.
Wararkii u dambeeyey ee haatan nas oo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid degan,isla markaana ciidamada dowladda ay sinabad ah ku tgeen deegaanka faxfaxdhuun.