Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hose ayaa sheegaya dagaal khasaaro geystay in uu ka dhacay halkaas isla markaana dhex maray Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladdu ay ku lahaayeen deegaanka Baar-saanguuni ee gobolka Jubbada hoose halkasna uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Djinacyada dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray khaasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,hase’ahaatee Alshabaab ayaa war ay baahiyeen waxa ay ku sheegeen in ay dileen 5-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda 9-kalana ay dhaawaceen.
Sarakiisha ciidamada dowladdu wax war ah kama aysan soo saarin dagaalkaas waxaase jirta Alshabaab in ay sidaan oo kale dhowr jeer weeraro uga geysteen deegaanka Baar-saanguuni eek u yaalla duleedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.