Wararka an ka heleyno degmada Wrsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa sheegayaan in degmadaas ay ku wada dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamo ka tirsan kuwa Meleteriga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Meeletriga Cabduqaadir Nuur Gashoombe oo loo yaqaano Qndhe ay weerareen Saldhiga Booliiska degmada taas oo keentay in halkaasi dagaal uu ka dhaco.
Dagaalka ayaa geestay khasao isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray Ciidamadii wada dagaalamay,waxaana sababta Ciidamada meleteriga ay u weerareen Saldhiga lagu sheegay in xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada ay qabteen kuwo ka tirsan kuwa mleteeriga taas oo keentay isafahamwaa sababay in ay wada dagaalamaaan.