Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo laba maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaas ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cumar Sheekh oo u dhaxeeya deegaanada Waradhuumale Iyo teedsan oo ka mid ah xadka kala qeybta Gobolada Hiiraan Iyo Galgaduud.
Waxgaradka Magaalada qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxay sheegeen in dagaalkaas uu ahaa mid aad u culus,isla markaana ay ku geeriyodeen in ka badan 10 Ruux halka dhaawacuna uu 20 ku dhow yahay.
Majirto cid kala dhexgashay maleeshiyaadka dagaalamay,waxaana la soo sheegayaa in ay saakay weli ishor fadhiyaan,iyada Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan aysan weli ka hadlin.