Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qeyb kamid ah uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaano bacaadaha, isla markaana waxaa halkaas ka dhacay dagaal mudo kooban socday.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in dagaalka uu ahaa mid kooban ayna maqlayeen rasaas la isdhaafsanayay, in kastoo aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay, maadaama ay aheyd xili habeen ah oo badi dadka wada hurdayeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga qaybta 27-aad ayaa waxaa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab, iyagoo tilmaamay in aysan cadeyn karin Khasaaraha, balse ay iska caabiyeen.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer Saldhiyo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne waxaa ay ku qaadeen weeraro isugu jiray mid toos ah iyo mid loo adeegsaday Madaafiic, waxaana qaarkood weeradada ka dhashay Khasaaro.