Wararka idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay halkaa islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.
Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab la sheegay in ay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle saldhig ay ciidamada dowladda fedraalku ku leeyihiin.
Dadka deegaanka oo la hadlay dalsan waxa ay sheegeen in dagaalku uu socday wkhati kooban la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Saraakiisha ciidamada milatarigu ma aysan sheegin khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas waxes ay tilmaameen in ay iska difaaceen weerar gaadmo ah oo Alshabaab ay kusoo qaadeen sida ay hadlka u dhigeen.
Alshabaab ayaa sidaan oo kale dhowr jeer weeraro ugu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaas oo geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.