Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo daacad u ah Wadaadka Mutaar Rooboow oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaano lagu Magacaabo Siinaley oo hoostaga degmada Xudur,waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid aad culus.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacma oo Caawa Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay Ciidamada wadajira ee Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqtaar Rooboow ay guulo ka gaareen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Muqtaar Rooboow ay weerareen deegaanka Siinaley oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana ay khasaaro u geesteen ayna soo furteen hub farabadan sida uu hadalka u dhagay.
Ciidamada Muqtaar Roobow oo fariisin ku leh deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ayaa dagaalka ka qeyb qaatay waxaana la sheegay in dagaalkaas uu soo gaaray ilaa Caawa fiidkii.
Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin dagaalkaas ku dhexmaray Gobolka Bakool Ciidamadooda iyo kuwa Muqtaar Rooboow oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed.